King County Library System Catalog| Get a Library Card| Log In To Your Account
HOME USING THE LIBRARY BOOKS & READING RESEARCH & HOMEWORK PROGRAMS & CLASSES EVENTS ABOUT KCLS


ESL Page (English)

Gargaarka Ingiriisiga iyo Muwaadinnimada
Ku soo dhawow Laybareeriga Degmada King County. Laamo badan oo uu leeyahay laybareerigu ayaa bixiya fasallo ama waxbarasho BILAASH AH, oo ay ku jiraan Barashada Ingiriisiga Luqad Labaad Ahaan (ESL), Barnaamijka Wakhtiga Hadadlka (Talk Time) iyo Muwaadinnimada. Sidaa daraadeed sii mar Laybareeriga Degmada King County si aad u soo qaadatid qoraalka Wakhtiga Hadalka (Talk Brochure) oo aad u ogaatid fasallada laga bixinayo meel kuu dhow ama nagu soo booqo bartayada internetka oo ah www.kcls.org/esl. Waxa aanu rajeynaynaa inaan dhakhso kuu aragno.

ESL - Barashada Ingiriisiga Luqad Labaad Ahaan
Fasallada ESL waxa loogu talogalay dadka Ingiriisiga u baranaya Luqad Labaad Ahaan. Fasalka waxa aad ku baran doontaa akhriska, qorista, iyo ku-hadlidda Ingiriisiga. Fasallada waxa dhiga macallimiin ESL oo degmada ah waxana laga bixyaa lamaamo badan oo uu laybareerigu ku leeyahay degmada King County. Badi fasallada waxa loo rabaa isqoritaan iyo imtixaan lagu qiimeeyo heerka Ingiriisigaaga. Si aad isu qortid, la xidhiidh laybareeriga degmadaada.

Talk Time - Wakhtiga Hadalka Kulan ah Sheekaysi Dabacsan
Si aad tababar ugu qaadatid ku-hadlidda Ingiriisiga, nagu soo biir oo ka soo qaybgal barnaamijka Wakhtiga Hadalka. Barnaamijka Wakhtiga Hadalka waa kulan sheekaysi oo dabacsan. Tijaabi farsamooyinkaaga ku-sheekaysiga Ingiriisiga oo la kulan dad ka yimid dacalada dunida. Wax ka baro dhaqanka Maraykanka oo kaaga nala wadaag. Barnaamijka Wakhtiga Hadalka waxa hogaamiya tabaruceyaal ku hadla Ingiriisiga. Looma baahna isqoritaan, kaliya iska kaalay oo ka qaybgal.

Citizenship BrochureCitizenship - Fasallo Mudwaadinnimo
Marna ma ku fikirtay inaad noqotid muwaadin Maraykan? Waanu ku gargaari karnaa. Ka qaybgal fasal muwaadinnimo si aad u baratid sida loo noqdo muwaadin Maraykan. Fasalladaas waxa aad ku baran doontaa nidaamka noqoshada muwaadin waxana aad wax u sii baran doontaa wareysigaaga muwaadinnimada. Fasallada waxa hogaamiya tabaruceyaal ku hadla Ingiriisi. Looma baahna isqoritaan.

Ask a Librarian - Weydii Shaqaale Laybareeri: Hel Buugaag, Fiidiyowyo, Majalado, iyo Dheeraad
Laybareeri kasta waxa aad ka heli kartaa alaabooyin iyo adeegyo kaa gargaari kara inaad ku tababartid Ingiriisiga ama wax u baratid muwaadinnimada. Adeegyada waxa ku jira buugaag, fiidiyowyo, majalado, iyo dheeraad. Weydii shaqaale laybareeri inuu ku tuso meesha ay alaabooyinkaasi yaalaan.

Last Updated: January 26, 2012

Return to top